Discover millions of ebooks, audiobooks, and so much more with a free trial

Only $11.99/month after trial. Cancel anytime.

Khayaaliga Farxada: Jaceylka Laga Dooranayo Cabsida
Khayaaliga Farxada: Jaceylka Laga Dooranayo Cabsida
Khayaaliga Farxada: Jaceylka Laga Dooranayo Cabsida
Ebook181 pages2 hours

Khayaaliga Farxada: Jaceylka Laga Dooranayo Cabsida

Rating: 0 out of 5 stars

()

Read preview

About this ebook

” Yaa fiirinaya riyada wax ka baxsan.Yaa guddaha u muuqda qof baraarugsan.”Carl Jung Farxada Khayaaliga ah;Ka doorbidida jaceylka cabsida waa buugaag 4 ah ee ”Tetralogy-ka Baraaruga”. Buugani waxa uu daaha ka qaadayaa wadooyin badan oo been abuur ah oo loo maro nolosha oo aan mari karno iyo sida aan ku heli karno nabad gudaha iyo ujeedada nolosheenna.
Marka xiriirka aan la leenahay adduunka inagu xeeran uu ku dhismo muraayad cabsida leh, Socdaalkeena Nolosha inta badan wuxuu dareemi karaa cidlo iyo dulmi. Dhibaatooyinkeennu waa kuwo aan dhammaad lahayn, shandaddeennu waa culus yihiin, oo inta badan noo horseedda in aan dhisno caqabadaha gudaha, oo naga ilaalinaya dhaawacyada niyadeed. Hase yeeshee caqabadahan la midka ah waxay sidoo kale u adeegaan inay naga go'doomiyaan wax kasta oo nagu wareegsan, oo ay ku jiraan nafteena runta ah. Dhalanteedka Farxadda waa buug ruuxi ah oo muujinaya sida jacaylka cabsida loogu qabo, jooji raadinta macnaha iyo farxadda gudaha iyada oo loo marayo hawlaha dibadda iyo xiriirka adduunka; halkii aad ka raadin lahayd gudahaga.
LanguageSomali
PublisherTektime
Release dateSep 20, 2022
ISBN9788835443698
Khayaaliga Farxada: Jaceylka Laga Dooranayo Cabsida

Read more from Ken Luball

Related to Khayaaliga Farxada

Reviews for Khayaaliga Farxada

Rating: 0 out of 5 stars
0 ratings

0 ratings0 reviews

What did you think?

Tap to rate

Review must be at least 10 words

    Book preview

    Khayaaliga Farxada - Ken Luball

    Farxada Khiyaaliga ah:

    ––––––––

    KA DOORASHADA JACEYLKA

    CABSIDA

    Sheeko ruuxi ah ee uu qoray Ken Luball

    & Bodhi (Hagaha Ruuxa)

    Transaltor: Farah Aden Omar

    Copyright Claimant: Ken Luball

    Xauusinta Qoraaga:

    Waa maxay Micnaha noolasha?

    Micnaha noolasha,

    Sababta aan u noolnahay,

    Waa in si degan loo dhegeysto Ruuxa gudaha iyo

    Raac jidka ay kugu hogaaminayso.

    Waxa jira afar buug oo ku jira Tetralogy-ka Baraaruga:

    Maanta waan dhiman rabaa: Doorashooyinka noolasha

    Hagaha Ruuxda: Safarkaaga Noolasha

    Xasiloonida: Xaafada Rajada

    Farxada Khayaaliga ah: Ka doorashada jaceylka Cabsida

    Ruuxnimadu waa aamin sanaanta in ay jirto qayb ka mid ah Ilaah (Ruux ama Naf) oo ku dhex jirta nolol kasta, taas aawadeed nolol kastaa waa muhiim, siman, oo isku xidhan.

    Hadafkayga qorista buugaagtan waxa ay ahayd in aan isku dayo in aan toosiyo oo aan caawiyo kuwa kale, kuwaas oo la toosay, si buuxda u fahmaan waxa Iftiinku yahay, si Socdaalkooda Nolosha si buuxda loo xaqiijiyo.

    Saddex ka mid ah sheekooyinkan waxaa lagu qoray qofka ugu horreeya, iyagoo raacaya Socdaalka Ruuxa ee Nolosha ilmaha, marka ay bartaan casharrada loo baahan yahay si looga jawaabo su'aasha sare ee sheeko la fahmi karo, xiiso leh, gaar ah, taas oo aan ahayn feker kaliya. laakiin sidoo kale mashquulin.

    Bodhi waa Hagaha Ruuxiga ah; waxa uu awood u leeyahay in uu si fudud ila soo xidhiidho marka aan qorayo fikirradiisa. In kasta oo safarkayga xagga Iftiinka uusan weli dhammaan, Bodhi, isagoo ah Hagaha Ruuxiga, runtii waa iftiimiyay. Waxaan u qornay buuggan dhammaan kuwa doonaya in ay bilaabaan geeddi-socodka baraarujinta ama ku baraarugsan oo doonaya in ay si dheeraad ah ugu dhiiradaan jidkooda xagga Iftiinka..

    Nooma suurtagasheen in aan qorno buugan taageerada iyo jaceylka Bodhi la’aantiis

    Waxaan awoodnay inaan buugaagtan wada qorno si wada jir ah.

    Wax badan ka baro mid kasta oo ka mid ah afarta buug ee ruuxiga ah halkan tetralogy-ga

    Websaydhkayga: http://kenluball.com

    Jadwalka uu Buuga ka koobanahay

    Hordhac:  Ku socoto caruurta adunnka

    Cutubka 1:  Helitaanka Iftiinkaaga

    Cutubka 2:  Hordhac Maskaxda, Jirka, Xiriirka Ruuxda

    Cutubka 3:  Darbiga,Maaskarada,iyo albaabka

    Cutubka 4:  Maskaxda, Jirka, Xariirka Ruuxa

    Cutubka 5:  Ruuxa ayaa noolasheena macno siiya

    Cutubka 7:  Ku noolaanshaha Iftiinka

    Cutubka 8:  Jaceylka ka doorta cabsida

    Cutubka 9:  Ku noolaanshaha ruux noolashaada

    Cutubka 10:  Farxada khayaaliga ah

    Cutubka 11:  Micnaha noolasha

    Gunaanad

    Kordhinta: Tixraacyada Ruuxa

    Ku saabsan Ken

    Waxaa loo hibeeyay caruurta aduunka

    Waxaan u hibaynaynaa buuggan carruurta adduunka. Waxaan rajaynaynaa in waalidkiina, iyo kuwa kale ee ku jecel, in ay akhrin doonaan buuggan, marka sidaas la sameeyno, waxay awoodayaan inay kaa caawiyaan inaad si xikmad leh u doorato jidkaaga nolosha. Waa rabitaankeena in safarkaaga uu ka buuxo jacayl, farxad, iyo yaab.

    Hordhac:

    Ku socoto caruurta aduunka

    Text Description automatically generated

    Markaad koreyso, waxaad ogaan doontaa in noloshu ay muuqato

    In ay tahay wax aad u adag.

    Dunidu had iyo jeer maaha meel aad u fiican in lagu noolaado.

    Waxaad arkeysaa waxyaabo badan oo kaa yaabiya

    Maxay wax xun oogu dhacaan kuwo badan.

    Waxaad arkeysaa dad aanan heysanin cunto ku filan oo ay cunaan ama meel ay ku noolaadaan, iyo kuwo kale,

    Aanan jecleyn qofkale sababtoo ah way ka duwan yihiin.

    Si ka duwan sawirka kore, iyada oo aan loo eegin midabka maqaarkaagu,

    Dalka aad ku nooshahay, magacaaga, diintaada,

    Ama kala duwanaansho kale ayaa jira,

    Waa muhiim inaad Maya dhahdo in qof qof kale ka muhiimsanyahay.

    Nolol kastaa si la mid ah ayey muhiim u tahay,

    "Iyadoo aan loo eegin wax kasta oo kala duwanaansho ah oo naga dhexeeya.

    Inaad nolol wanaagsan ku noolaato shaqo aad hayso shaqo kuma laha,ama

    Inta lacag ah ee aad sameyso,

    Haddii aad caan tahay ama wax kale waxaa laga yaabaa inaad maqasho

    Marka aad koreyso.

    Hase yeeshe, waxa kaliya ee muhiimka ah waa inaad tahay qof wanaagsan

    Noqo qof daneeya dareenka dadka kale,

    Caawinaya iyaga mar kasta oo uu awooddo,

    Qof kasta kula dhaqma naxariis iyo jacayl,

    Xataa haddii aanay sidaas kuula dhaqmin.

    Waxaad arki doontaa inay jiraan dad badan  adduunka oo aan faraxsanayn,

    Cabsanayo kana welwelsan naftooda oo keliya.

    Fadlan, Ha noqon iyaga oo kale.

    Waxaad bedeli kartaa aduunka haddii aad si fudud u dhegeysato

    Codka deggan ee qalbigaaga iyo

    La wadaag fariintaas qof walba.

    Nolosha ku qaabil cabsi. Qof walba u naxariiso.

    La wadaag wanaagga qalbigaaga ku jira kuwa kaa duwan ama halganka ku jira.

    Iyo, tan ugu muhiimsan, oo ah la dhaqan dadka kale

    Sida aad rabto in laguula daqmo.

    Haddii aad sidaan sameyso, waad faraxsanaan doontaa.

    Dooro Maya si aad ugu noolaato adduun uu qof walba ka cabsanayo,

    Iyaga oo ka welwelaya naftooda oo keliya.

    Taa beddelkeeda, daryeel dadka kale, noqo qof deeqsi ah, naxariis badan, kalgacal, ixtiraam, is-hoosaysiiya, dulqaad badan, daacad ah, naxariis badan, wanaag, mahadnaq, rajo leh, iyo rajo nolosha ka qaba.

    Dhiirranow; ka taxadar dareenka dadka kale,

    Noqo saaxiib oo caawi haddii ay ka duwan yihiin ama wax u baahan yihiin.

    Haddii aad sidaan sameyso, waxaa laga yaabaa in ay noloshaada noqato mid faraxsan oo macno leh.

    Jidka aad nolosha ku doorato ayaa go'aamin doonta

    Mustaqbalka aduunka.

    Jiilkii hore Maysan qaban shaqo aad u wanaagsan

    Daryeelka meereheena iyo midba midka kale.

    Adiga ayay ku xiran tahay, haddaba, inaad isbedel sameyso

    Taasi waa in la sameeyaa,

    Adigoo dooranaya jidka saxda ah ee nolosha.

    ––––––––

    "Aragtidaada way cadahay

    Kaliya marka aad fiirin karto

    Qalbigaaga.

    Yaa dibedda u muuqda , riyooyin.

    Yaa gudaha u muuqda, soo toosay".

    Carl Jung

    Cutubka 1:

    Helitaanka Iftiinkaaga

    Jawaabaha aan raadineyno, si aan u helno Iftiinkaaga,

    In aan awoodno in aan qaadanno nabadda gudaha, jacaylka iyo macnaha nolosheenna,

    Weligeed lagama helaayo adduunka adigoo dibadda eegaya.

    Waxa kaliya oo lagu heli karaa marka la eego gudaheena, halka Ruuxu ka jiro.

    Qaar badan oo naga mid ah ayaa si macquul ah u fahamsan arrintan.

    Si aad u aqbasho oo u oggolaato Ruuxaaga inuu ku hago

    Safarkaaga Nolosha, si kastaba ha ahaatee, waa mid aad u adag.

    Tani waxay sabab u tahay awoodda aad ku kalsoontahay (Nafta).

    Isku kalsoonidu waa wax kasta oo nala Baray iyo Waxa aan Rumaysanahay inay run yihiin tan iyo dhalashadeena.

    Baraaruga wuxuu bilaabmaa markaan bilowno inaan su'aalno wax kasta oo aan Baranay.

    Iftiinku wuxuu dhacaa markaan Aqbalno run ahaan

    Wax walbo oo aynu baranay in uu ahaa wax Khaldan.

    Safarku waa dheeryahay, wuuna adagyahay, badanaana waa kalinimo.

    Micnaha noolasha waa sii wadida safarkan,

    Wadaagis la’aan

    Kuwa kale oo dhanIftiinkaaga guddaha.

    Waa maxay sababta aan u noolnahay? Waa maxay macnaha Noloshu? Su'aalahan waxaa la iswaydiiyay kun sano; Waxaa laga yaabaa in la yaab tahay  sida ay jawaabaha dhabta ah u fudud yihiin. Marka aynu dhalano, jawaabahani ayaa horeyba noogu dhax jira. Dhab ahaantii, ma aha ilaa ka dib aan dhalano jawaabaha su'aalahan waxay noqdaan kuwo lumaya caqabadaha badan ee aan dhammaanteen la kulanno nolosha.

    Shanta sano ee ugu horreysa nolosha ilmo kasta ayaa ugu muhiimsan. Waa wakhtiga ay bartaan waxa laga filayo iyaga iyo sida ay uga falcelinayaan xaaladaha kala duwan ee adduunka. Sidoo kale waa marka ay horumarin doonaan aragtida guud ee adduunka iyo sida loola dhaqmo dadka kale. Fikradahooda, naceybkooda, waxay aaminsan yihiin, iyo rabitaankooda ayaa badanaa  sameeysmo sannadahan hore ee abuuritaanka waxayna aasaas u noqon doonaan sida ay u dhaqmi doonaan oo ay ula dhaqmi doonaan dadka kale inta ka dhiman

    Inta lagu jiro sanadahaan, haddii ilmaha la baro si uu u arko adduunka iyo kuwa kale iyada oo loo marayo Prism madow oo mugdi ah, mid ka mid ah meesha cabsi ay ku badan tahay Jacaylka, markaa caqabadaha ay la kulmaan waxay noqon doonaan kuwo weyn. Marka ay u eegaan adduunka sidan, waxay baran doonaan inay ka fiirsadaan naftooda oo keliya, halkii ay ka ahaan lahaayeen qof kasta. Markay qaataan aragtidan, Socdaalkooda Nolosha inta badan wuxuu ahaan doonaa cidlo, halgankooduna waa badan yahay.

    Haddii, si kastaba ha ahaatee, inta lagu jiro sannadahan hore, ay qaataan Jacaylka Cabsida, markaas noloshooda waxay qaadan doontaa jiho ka duwan. Iyagoo qaadanaya muhiimadda koowaad ee Jacaylka, waxay bilaabi doonaan inay nolosha u fahmaan si ka duwan; Mid ka mid ah meesha ay jirto welwel iyo naxariis Qof walba, halkii ay naftooda oo keliya u ahaan lahaayeen. Carruurtani waxay baran doonaan inay fahmaan oo ay ula dhaqmaan dadka kale si xushmad leh oo ay nolosha u arkaan yaab iyo jacayl, halkii ay ka ahaan lahaayeen cabsi iyo nacayb.

    Waxa la barto shanta sano ee ugu horreeya nolosha ilmaha, waxay saamayn kartaa noloshooda oo dhan. Halganka faraha badan ee ina soo maray nolosheenna oo dhan waxa ay inta badan ka dhashaan caqiidooyinka aan horumarinay sannadahan hore, ee la yaabka lahaa. Waxaan baraneynaa xiriirka aan la leenahay aduunka sanadahaan waxaana laga yaabaa in nolosheenna inta ka hartay aan isku dayno inaan dib u dhigno waxyeelada la sameeyay. Waxyeelladan waxaa keenay Oggolaanshaha farriimaha badan ee beenta ah ee is-xakamaynta leh ee aan helnay sida runta ah, marka aan baranno doorkayaga adduunka. Marka ilmuhu diyaar u yahay inuu bilaabo dugsiga, fariimahani waxay inta badan ku qotomaan ilmaha dhexdiisa, waxay saameeyaan fikirkooda iyo ficil kasta, marar badan inta ka dhiman noloshooda.

    Waxaan jeclaan lahaa inaad sawirato shandad furan. Inta aynaan dhalan, shandadu waa faaruq. Dhalashadeena, inkastoo, Nafta (ama  sku kalsoonidu), taas oo ah wax kasta oo aan baranno, iyo aaminsannahay inay run yihiin, ka dib markaan dhalanno, waxay bilaabaan inay buuxiyaan shandadan. Is dhexgalka kasta oo aan yeelano, shandadu way sii cuslaataa, marka ay bilaabato inay noqoto mid isku dhafan oo leh boorsooyinka aan urursaneyno, dhammaan waxyaalihii khaldanaa ee aan baranay inta aan noolahay. Inta uu shandadu sii cuslaado, ayaa nuurkeennu sii yaraanayaa, waana in aan wax badan ka furfurnaa markaan soo toosno oo aan bilowno safarkayaga xagga Iftiinka.

    Shandada waxaa ku jira dhammaan run-sheegga beenta ah ee is-xilqaanka ah ee uu naftiisa bartay oo uu ilmuhu aqbalayo marka ay korayaan. In kasta oo aanay wakhti badan ku qaadan in la buuxiyo shandada, haddana waxa laga yaabaa in ay ku qaadato inta ka hadhay noloshooda, haddii ay ahaan lahayd, in ay mar kale Ilayskooda Helaan, oo ay shandada ka furaan oo ay dib ugu soo noqdaan nabaddii iyo fahamkii gudaha ee ay hore u garanayeen shandada ka hor. bilaabay inuu buuxiyo; ka hor inta aan loo bandhigin been-abuuro badan oo naftu bartay oo ubadku u aqbalay sida dhabta ah. Inta ay ka culus tahay shandadu waa in ay sitaan, inta ay sii adkaanayso Socdaalkooda Noloshu waxa uu noqon doonaa mid adag oo

    Enjoying the preview?
    Page 1 of 1